SAWIRRO XUL AH: Xulkeena Qaranka oo u Duulay Itoobiya…..(Faah-faahin dheeri ah)
Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cade iyagoona u boqoolay dalka Itoobiya.
Soomaaliya ayaa ka qeyb galeysa isreeb reebka Oleymbikada Adduunka waxaana la rajeenayaa inay guulo fiican ka soo hoydo maadaama ay tababaro adag dhawaanahaanba ka wadeen Garoonka Jaamacadaha.
Xiddigo ka kala socda heerka koowaad iyo labaad ayaa matalaya xulka qaranka Soomaaliya oo lagu wado inay Arbacada la ciyaaraan xulka Itoobiya is aragooda hore ee isreeb-reebka Oleybikada Adduunka.
Is aragooda labaad ayaa ka dhici doona dalka Jabuuti oo inoo ah Home 21-ka bishan November.
Macalin Fara Yare ayaa Kabtanka xulka Qaranka u Magacaabay daafaca birta ah ee kooxda Benaadir Ciise Cabduqaadir.
Waxaa xusid mudan in Ciise uu sidoo kale kabtan u yahay naadigiisa.
Xulka Qaranka waxaa ka soo muuqanaya sanadkan xiddigo Cusub oo wacdaro muuqata ka dhigay Somalia Premier League sida Anwar Shakunda ee ku guuleystay gool dhalinta iyo waliba kubbad bur-buriye Qaxtaani.
Wariyaheena Cabdifitaax Nani oo Goobjooge ahaa ayaa inoo soo diray Warbixinta iyo Sawirrada. waxayna cayarayan 21/11/2018





Comments
Post a Comment