Wargeyska The Sun Oo Daboolka Ka Qaaday Laba Qorshe Oo Midkood Dibedda U Tuurayo Jose Mourinho Oo Maamulka Man United Dejisteen Iyo Macallin Ixtiraam Badan Oo Beddelaya
Maamulka kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay inay miiska saareen laba qorshe oo midkood caddanaynayo in Jose Mourinho uu shaqadiisa waayi doono, iyo mid labaad oo qeexaya sida loo xoojinayo, isbeddelna loogu samaynayo naadiga.
Manchester United ayaa xili ciyaareedkan ku bilowday qaab ciyaareed liita oo ay ka keentay dhamaan tartamada sida Champions League, Premier League iyo Carabao Cup oo xilli horeba ay ka hadhay, waxaana laga shakisan yahay awoodda ay u leedahay inay ka mid noqoto afarta ugu sarreeya oo ay haddaba isku eryanayaan Manchester City, Liverpool, Chelsea, Tottenham iyo Arsenal.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, haddii Manchester United ay isbeddel degdeg ah samayn weydo isla markaana ay u muuqato in aanay usoo bixi karaynin tartanka Champions League xili ciyaareedka dambe, waxa shaqada laga caydhin doonaa Jose Mourinho inta aanu dhamaanin xili ciyaareedku.
Wargeysku waxa uu intaa ku daray in tababaraha Tottenham ee Muaricio Pochettino uu beddeli doono, isla markaana lacag badan loo dhiibi doono si uu dibu-dhis u sameeyo.
Si kastaba ha ahaatee, Pochettino ayaa dhawaan diiday inuu la wareego xilka tababarenimo ee Real Madrid ka hor intii aan loo magacaabin Santiago Solari, lamana oga inuu ogolaan doono inuu ka tago Tottenham oo uu Man United uga wareego.


Comments
Post a Comment